XOG+DIGNIIN:- Fashil Lala Damacsan Yahay Hab Maamuuska Xaflada Caleemo Saarka Madaxweyne Farmaajo.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in fashil lala damacsan yahay hab maamuuska xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabudulaahi Farmaajo.

Warkan naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho  ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda Dr C/salaan Xaaji Hadliye iyo Axmed Cali Kediye ay ka shaqeenayaan sidii fashil ugu dhici lahaa hab maamuuska xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya iyagoo u xil saaray hawsha wiilal yar yar oo aan qibrad weyn u lahayn habka soo dhaweeynta marti sharafta.

Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda Dr C/salaan Xaaji Hadliye iyo Axmed Cali Kediye ayaa waxa ay banaanka ka dhigeen hawsha dhamaan quburadii aqoonta u lahaa sida Safiirada iyo Qunsulada iwm soo dhaweynta iyo hab mamauuska Madaxda sare ee kasoo qaybgalaya Caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna soo xusheen wiilal yar yaroo qibrad sare u lahayn hawshan oo dhamaantood wada ah shaqaalaha hoose ee Wasaarada Arrimaha Dibedda kuwaas oo ah ukumaha ururka diimeedkii Damujadiid ay dhigteen Wasaaradaha dowladda.

Mid kamid ah ilo wareedkeena oo ah Dibulomaasi ku xeel dheer arrimahan ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in goobta caleema saarka ay ceeb kasoo gaari doonto dawladda Soomaaliya haddaan si dhaqsiyo ah looga hortagin qorshaha xagal daacinta ah ee ay wadaan Dr. C/salaan Xaaji Hadliye iyo Axmed Cali Kediye.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media