Maxkamad ku taal Tanzania oo nin ku caan baxay dilka maroodiga xabsi ku xukuntay

0

Nin caan ku ahaa ugaarsiga maroodiga dalka Tanzania kuna magac dheeraa “Sheydaanka”ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah.

Boniface Matthew Maliango ayaa la sheegay inuu mas’uul ka ahaa dilka kumanaan maroodi ah sida ay sheegeen ururada u dooda deegaanka. Ninkan ayaa lagu xirey magaalada Dar es Salaam bishii September 2015 kadib markii muddo sanad ah la baadi goobayay.

Ninkan oo lagu naaneeysi jirey Shetani oo afka sawaaxiliga loo yaqaan Swahili ayaa la sheegay in uu mas’uul ka ahaa shabakad ka ganacsata faanta maroodiga oo saldhigyo ku leh Tanzania, Burundi, Zambia, Mozambique iyo Koofurta Kenya.

Xariga ninkan lagu naaneysayay Sheydaanka ayaa la sheegay inay ku weheliyaan labo ruux oo ay walaalo yihiin Lucas Mathayo Maliango iyo Abdallah Ally Chaoga.

Saddexdan walaalaha ah ayaa la xiray bishii October 2015 iyagoo doonaya in ay ka saaraan faan maroodi oo lagu qiimeeyay  $850,000 (£700,000).

Maliango ayaa lagu eedeeyay inuu xiriir ganacsi la lahaa  muwaadin u dhashay dalka Shiinaha Yang Fenglan kaasoo sidoo kale loo haysto dacwad ah inuu 700 oo faan maroodi ah laguna qiimeeyay $2.5m (£1.7m).