Maleeshiyaadka Kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab ayaa Go’doomiyay Dadweynaha Ku nool Magaalada Waajid oo kamid ah degmooyinka Gobalka Bakool.
Go’daanka magaalada ku jirto ayaa Rajobeel sii galisay Xaaladda Dhinaca Bani’aadanimada ee ay ku suganyihiin dadka ku nool magaaladaasi, oo ay la soo daristay xaalad nololeed oo aad u liidata, taaso oo sababtay in dadka ay saameysay Abaarta in la gaarsiin waayo Gurmadka loogu talagalay dadka iyo duunyada ay sida daran u saameysay Abaarta ku dhufatay dalka oo hadda isku badashay Macluul.
Magaalada Waxaa hadda Gacanta ku haya Ciidamada Dowladda Soomaaliya, iyadoo Maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku sugan hareeraha Magaalada ay diideen in gudaha ay Magaalada wax kabaxaan ama soo galaan, taasina ay ka dhalatay markii ay wax taageero ah ay al-shabaab ka waayeen Shacabka Magaalada ku nool.
Tuulada ceelboon oo hoostagta Degmada Waajid ayaa lagu soo waramayaa in 24 Saac ee lasoo dhaafay Cudurro ka dillaacay ay ugu dhinteen 30 ruux oo isugu jira caruur iyo haween.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helay Magaalada Waajid ayaa ku soo Waramaya in maanta oo kaliya Cisbitaalka Guud ee magaalada La dhigay 100 bukaan ah oo la il-daran xanuuno ka dhashay Macluusha ka jirta tuulooyinka hoostaga degmada.
Qof kamid ah dadweynaha Magaalada Waajid oo ila soo Xiriiray ayaa ila wadaagay Muqaallo muujinaya Xaaladda Bukaanada uu soo ritay Cudurada ka dillaacay deegaanada hoostaga Degmada Waajid, Wuxuuna iisheegay in cisbitaalka ay ka Go’day dawadii Xaaladduna ay Qatar ku jirto.
“Xaaladda Qatar ayay ku jirtaa, Dadka Mootooyin ayaan ku soo daad gureynay, naftu marbey Go’daa, waxaan Go’aansanay in aan Magaalada kasoo Saarno bukaanada si aan u gaarsiino Magaalada Waajid iyo Cisbitaalada kale ee laga holi karo adeegyada Caafimaadka.
Dhinaca kale dadweynaha ayaa Codsaday Dowladda Soomaaliya in ay Qaaddo tallaabo dagdag ah oo Go’doonka looga Saarayo Degmada Waajid, si looga badbaado Xaaladda Qatarta ah ee ay ku suganyihiin kumanaan dadweyne ah oo ay ka dhammaadeen Xoolihii ay dhaqanayeen iyo beerihii ay tabcanayeen.
W/Q: Ismaciil Mukhtaar Cumar “Orange”