8 Qodob oo Saldhig u ah diidmada Xildhibaanada ee Xukuumadda cusub

0

Xubnaha Baarlamaanka ayaa dhawr sababood u yeelay waxa ay ku diidan yihiin Xukuumadda cusub ee Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, inkastoo Golaha Wasiirada cusub badankooda ay yihiin Xildhibaano.

Hadaba, 8-ddan Qodob, Waxaan ku soo koobnay sababaha Ay Xildhibaannada ku diidan yihiin Xukuumadda Xasan Khayre:

(1): Maamul Goboleedyo Ayaa Xukuumadda Keenay: Xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in liiska wasiirrada cusub lagala tashtay maamul goboleedyada dalka, oo weliba u badan yihiin magacyo ay madaxweyneyaasha maamul goboleedyada raalli ka yihiin, lana soo shaqeeyay, oo lagu yaqaano in ay daacad u yihiin dadkaasi, Xildhibaanno ayaa arka in wasiirka uu yahay mid qaran, oo la doonayo in uu ka madax-bannaanaado maamul goboleedka.

(2): Xildhibaanno Ayaa Lagu Soo Daray: Qaar ka tirsan xildhibaannada cabashada keenay, waxaa ay ku doodayaan in ay qalad aheyd in Xildhibaanno lagu soo daro xukuumadda cusub, in kasta oo ay og yihiin in arrintaasi ay dastuuri tahay oo ra’isul wasaaraha meeshii rabo uu ka keeni karo, haddana waxaa ay ku adkeysanayaan in xukuumadda laga keeno dibadda golaha shacabka.

(3) 4.5 Ayaa Meel Looga Dhacay: Xildhibaannada qaar, waxaa ay leeyihiin waxaa meel looga dhacay nidaamka 4.5-ka iyo sida beelaha wax loogu qeybiyo wasaaradaha, sida beelo qaar oo laga wareejiyay wasaarrado lagu yaqaaney 16-kii sano ee ugu dambeysay. Arrintan 4.5-ka waa heshiis bulsho oo aan qorneen oo Soomaaliya lagu maamulayey wixii ka dambeeyay shirkii Carte 2000. Wasiirkan Nooma Qalmo:

(4)Xildhibaannada qaar, waxaa ay cabasho ka qabaan in wasiirka la siiyay aaney beeshooda u qalmin, iyaga oo doonaya in isbadal haddii uu dhaco la siiyo wasiir qiimo badan oo lagu faani karo, lagana helaayo anfacaad.

(5)Lama Dhisin Xukuumad Technoracy Ah: Xildhibaanno aqoon leh oo ku jira golaha shacabka waxaa ay ku doodayaan in xukuumadda la magacaabay ay towfiiq la’aan tahay, iyaga oo tusaale u soo qaadanaya in wasiirrada qaar loo dhiiban shaqo aan shaqadooda aheyn, waxaa ay kuu sheegayaan in wasiir hebel oo weriye ahaa aanan loo dhiibin warfaafinta, wasiir kale oo xoolaha ku taqasuyay la marin habaabiyay oo isku dhex yaac ka jiro, iyaga oo soo jeedinaya in wasiir walbo loo dhiibo shaqo uu yaqaanno oo uu ku taqasusay, kuna soo bixi karo.

(6) Qaarkood Aqoon Ma Leh: Xildhibaanno aan la hadalnay waxaa ay ku leeyihiin ra’isul wasaaraha waxaa uu sheegay in uu dhisay xukuumadda aqoon-yahanno ah, laakin waxaa xukuumadda cusub waxaa ku jira dad aan heysan waxbarasho dusgi sare iyo qaar Yurub shaqooyin hoose ka hayey.

(7) Maxaa Gabdhaha Loogu Badiyay Beesha 5aad: Xildhibaanno beesha 5naad oo ah oo aan la hadalay waxaa ay sheegayaan in ay cabasho ka qabaan sababta shan(5) wasiir oo gabdho ah oo uu magacaabay ra’isul wasaare Khayre ay 3 ka mid ah ka soo jeedaan beesha 5naad.

(8) Wasiirradan Beesha Taageero Kama Heystaan: Qaar ka tirsan xildhibaannada waxaa ay sheegayaan in wasiirka la magacaabay aaney taageero ka heysan beesha ay ka dhasheen, arrintaas oo laga sheegay ra’isul wasaare Khayre hortiisa kadib markii uu si wada jir ah ula kulmay wasiirrada iyo xildhibaannada golaha shacabka.

Xigasho

Goobjoog