AKHRISO:- Golaha Wasiirada Puntland oo kulan xasaasi ah yeeshay

0

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir gudoomiyey kulan ay yeesheen xubnaha golaha Xukuumadiisa, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, Siyaasada, Dhaqaalaha, Abaarta iyo Warbixino wasaaraddaha qaarkood laga dhageystay.

Golaha ayaa ka dooday arrimaha la dagaalanka Burcad-Badeeda iyo sidii loola dagaalami lahaa Kalluumeysiga Sharci-daradda ah, waxaana loo mahadceliyey ciidamada Difaaca ee Puntland oo soo furtay markab lagu afduubtay biyaha Soomaaliya.