DHAGEYSO:- Baarlamaanka Carabta oo ugu baaqay beesha caalamka in ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed

0

Afhayeenka Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay xubnaha Beesha Caalamka in ay si deg deg ugu gurmadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay saameyeen Abaaraha ee ku sugan Soomaaliya.

Dr. Mishaal bin Fahm Al Salami, ayaa sheegay in Abaarta ka jirta Soomaaliya ay saameyn weyn ku yeelatay qeybaha kala duwan bulshada, waxaana uu sheegay in Jaamaacadda Carabta ay ka qaadi doonto tilaabooyin lagu caawinaayo Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu baaqaya Bulshada Caalamka in ay si weyn uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen Abaaraha ee kunool geeska Afrika , anaga hadii aanu nahay dalalka Jaamacadda Carabta waxaan sameyn doonaa Gurmad ” ayuu yiri Dr. Mishaal bin Fahm Al Salami.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in si deg deg looga jawaabo baaqii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in dalalka caalamka ay usoo gurmadaan dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu ku habsatay.

Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa ka sii daraysa maalinba maalinta ka dambeysa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-