Cumar Xasan Al-Bashiir oo ka qeyb gali doona Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta

0

Madaxweynaha dalka Sudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa la xaqiijiyay in uu ka qeyb gali doono Shir Madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Ibraahin Qanduur ayaa Saxaafadda u xaqiijiyay in Madaxweyne Al-Bashiir uu ka qeyb gali doono shirka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmi doonaa Caasimadda dalka Urdun ee Cammaan.

Waxaa uu sidoo kale uu tilmaamay in madaxweynuhu uu casuumaad ka helay Boqorka dalka Urdun C/llaahi Bin Xuseen ayna ka go’an tahay in uu ka qeyb galo Shirkaasi.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa waxaa raadinaysa Maxkamadda Caalamiga ee Daniyada , waxaana lagu eedeeyay in uu galay Xadgudyo dagaal.

Hay’adaha xuquuqul Aadanaha ayaa ku baaqay in la qabto Al-Bashiir hadii uu tago dalka Urdun.