DAAWO:- Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Ganacsatada Soomaalida Kenya Iyo Khudbadiisi ugu…

0

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa Khudbadii ugu Qiimaha Badnayd wuxuu u jeediyey Ganacsatada Soomaaliyeed, kadib kulan uu kula yeeshay magaalada Nairobi, Wuxuuna siwayn uga hadlay Cadaalada, Dhibaatada Qabyaalada, Dhismaha dalka, Maal-gashiga, iyo Waxa horyaala Xukuumada uu Hogaamiyo.

Hiigsiga Dawlada isagoo ka hadlayey ayaa wuxuu sheegay inuu dhinaca Hufnaanta maamulka doonayo inay Hiigsadaan dalka Denmark oo ugu Horeeya, Sidoo kalana wuxuu siwayn uga hadlay Khayraadka Beriga iyo Badda Isagoo Tusaale usoo Qaatay hadalkii madaxwayne ku xigeenka kenya oo sheegay in Kalluunka Keliya ee Doqonimo u dhinta Aduunka uu yahay midka Soomaaliya.

“Anigu Qabiil ma lihi, Soomaali ayaan ahay, ma jiri doono Qof aan kusoo dhowaysanayo Qabiil Iyo mid aan ku Fogaynayo”, Sidoo kale Rw. Khayre sidaas ayaanu ku Balanay, Sidoo kale Wasiirada waan u sheegay, Qofkii doonaya inuu Qabiil Matalo waa inuu Noqdo Kaabbe Qabiil ” ayuu yiri Madaxwayne Farmaajo.

HOOS KA DAAWO