DAAWO MUUQAALKA:- Cali Khaliif Galeyr “Wada hadalkii Jabuuti ee Khaatumo iyo Somaliland Ma Burburin”, Weli uu jiraa”..

0

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeydr ayaa si kulul u beeniyay in ay burbureen wada-hadalada u dhaxeeyay maamulkiisa iyo kan Somali-land kaasi oo wajigiisa sedexaad uu ka socdo Magaalada Djabuuti ee caasimada dalka jabuuti.

“Wadahadalkii Jabuuti ee Khaatumo iyo Somaliland ma Burburin, Waa Been Kuwa Qurbajoogtu ee Leh Arintaasi, waxayba Noqdeen Cudurka Noogu wayn, Mana Bur-burayaan, Waana ka bogan doonaa “ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Khaatumo State.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamuka Khaatumo State Cali Khaliif Galeydh ayaa meesha ka saaray hadalka heynta ku aadan in ay jiraan dad kasoo jeeda deeganada Khaatumo State oo jecel ku noolaanshaha deeganada maamulka Somali-land iyagoo sabab ugu dhigaya nabad galyo darada ka jirta deeganada Khaatomo.

“Wax Hargeisa yaala oo aan ku Qancayo ama Hunguroonayo ma Jiraan, Waxa Qudha ee aan ku Qanci Karnaa waa Nabad aan ku wada Noolaano, oo isla Baadh-baadho waxyaabaha aynu isla Ogolnahay, Taasina Wakhti ayay Qaadanaysaa” . Ayuu yidhi Madaxweynaha Khaatumo.

Sidoo kale Wuxuu sheegay Madaxweynaha Khaatumo State Galeydh inaysan Shacabka khaatumo waxayna Rabin oo aan u Cuntaymin u keeni doonin, Sidoo kalana Wuxuu sheegay inaysan Madaxda khaatumo wax Xil ah ka doonayn Maamulka Somali-land.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-

https://www.youtube.com/watch?v=_dpprz9q0ec