DAAWO XOG URURIN:- Maxaa kala heysta Wasiirada cusub iyo Xildhibaanada ?

0

Xog uruurin la sameeyay ayaa aad looga hadlay caqabadaha haysta xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaare Kheyre, iyo sidoo kale waxa kala haysta xukuumaddaasi iyo Baarlamaanka.

Xog ururintaan ayaa daaha ka qaadeysa waxa ugu dambeyn xukuumadda Kheyre ay wajihi doonto, sidoo kalena waxaa su’aal la dul dhigay in xukuumaddan lagu meelmarin karo laaluush ama wax lamid ah.

Waxaa muuqaalkan aad daawan doontaan ka dhex guuxaya shacab, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxayna dhammaantood u muuqdaan kuwo saluugsan tallaabada uu ku socdo baarlamaanka.

Xukuumadihii dalka soo maray badi si ay u meelmaraan waxaa lagu bixiyey malaayiin doolar, sidoo kalena waxaa laga keenay mooshinno meesha ka saaray lacagihii la bixiyey.

Ra’iisul wasaaraha dalka waxaa la filayaa in dhowaan uu wasiiradiisa horgeeyo xildhibaannada golaha shacabka, walow 105 mudane ay diiddan yihiin xukuumadda.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=pGtEUG0sDo4