DEG DEG:- 12-Wiil oo Gabar ku Kufsaday Magaalada Gaalkacyo

0

Wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay fal kufsi ah oo ay geysteen 12 Wiil oo dhallinyaro ah.

Isbitaalka Guud ee Waqooyiga Gaalkacyo ayaa la dhigay Gabadha ay dhibaatada u geysteen 12; wiil iyada oo ay hadda dhaqaatiirka Isbitaalka la tacaalayaan xaaladeeda Caafimaad.

Saraakiisha Amniga Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegaya in ay arrintan baaris ku hayahaan iyaga oo xusay in ay gacanta ku dhigeen  Dhallinyaro lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen falkaasi.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa diiday in laga qaado Wareysi dhacdadan la xariirta, waxayna sheegeen in ay hadda ku jiraan sidii gabdhan ay u heli lahayd adeegyada Caafimaad ee ay u baahan tahay.

Waa dhacdadii 2aad ee Bishan gudaheeda ka dhacda Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya waxaana billowgii Bishan fal kufsi ah laga soo wariyay degaanka Bursaalax oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Billowgii Sanadkan ayey ahayd markii Magaalada Gol-dogob  lagu xukumay 6 wiil oo lagu helay in ay kufsadeen Gabar ka mid ahayd dadka degaanka.