DHAGEYSO:- Ardayda Iskuulka Xamar Cadde oo Maanta Deeq gaarsiiyay Qoysaska ka soo barakacay Abaarta ka jirta Gobolada Dalka

0

Deeqdaan ay iska soo aruuriyeen Ardayda, Macaliminta iyo Maamulka Iskuulka Xamar Cadde ee ku yaalla degmada Yaaqshiid ayaa Waxaa la gaarsiiyay dadka ka soo barakacay abaarta ka jirta gobolada Dalka.

Dadkaan deeqda Maanta la gaarsiiyay ayaa waxa ay degan yihiin degaanka Weedoow ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Deeqdaan ayaa waxa ay isugu jirtay dhar, raashiin iyo agabyo kale o muhim u ah nolosha dadkaasi masaakiinta ah ee abaarta ka soo Barakacay.

Macalin Qaasim Maxamed Ibraahim oo ah Maamulaha Guud ee Iskuulka Xamar Cadde ayaa ka warbixiyay deeqda ay maanta gaarsiiyeen dadka abaarta ka soo barakacay ee duleedka Muqdisho ku sugan.

Sidoo kale Waxaa Warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah Ardayda Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Xamar Cadde Waxa ayna ka warbixiyeen dareenkooda iyo qaabka ay isaga soo aruuriyeen deeqdaan.

Qaar ka mid ah qoysaskii ka faa’iideystay deeqdaan ayaa u Mahad celiyay Ardayda, Macalimiinta iyo Maamulka Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Xamar Cadde.

Hoos ka Dhageyso Codka:-