DHAGEYSO:- C/weli Gaas “ Puntland Wey ka gudubtay Hanaanka Qabaa’ilka, Cadowgeena ha jabo”..

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali “ Gaas “ ayaa Shacabka Puntland ugu baaqay in ay ka fogaadaan qabyaalada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Puntland ay ka gudubtay hannaankii qabaailka ee lugu dooranayay hoggaanka sare.

Wuxuu sheegay markan inay u tallaabeen dimuquraadiya oo ay dadku isku raacayaan si ka madax banaan qabiilka, sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Shacabka Puntland loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan midnimada oo ay ka gudbaan habka qabaa’ilka.

Shalay ayay ahayd Markii Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu si ramsi ah u daah furay furashada Ururrada siyaasada nidaamka xisbiyada badan ee Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-