DHAGEYSO:- Dowladda Turkiga oo Raashiin ka qeybiyay Duleedka Muqdisho

0

Dowladda Turkiga oo kaalin muuqata ku leh Gar gaarka Gurmadka Abaaraha ee dalka ka socda ayaa maanta waxa ay Deeq raashiin ah ka qeybiyeen Duleedka Muqdisho, gaar ahaan Degaanka Tareedisho.

Deeqdan Raashiinka oo isugu jirtay Digir, Bariis, Biyo iyo Saliid ayaa waxaa si wadajir ah u qeybiyay Safaaradda Dowladda Turkiga iyo Shirkadda Albayrak ee maamuqsha Dekadda Muqdisho.

Dhinaca kale Safiirka Dowladda Turkiga Ambasador Olgan Bekar iyo Mas’uuliyiin ka socotay Shirkadda Albayrak ayaa Guddiga Gurmadka Abaaraha waxa ay ku wareejiyeen Deeq raashiin ah iyo Daawo loogu tala galay dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Safiirka Dowladda Turkiga Olgan Bekar ayaa sheegay in ay soo socdaan mucaawinaad lagu keeni doono Maraakiib, wuxuuna tilmaamay Hay’adaha iyo Dowladda keliya in aysan ka qeyb qaadan doonin Gar gaarka oo ay ka qeyb qaadan doonaan shirkadaha Ganacsi ee Turkiga, kuna sugan Soomaaliya.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan Ambasador Olgan Bekar iyo Shirkadda Albayrak, wuxuuna sheegay Albayrak muddo gaaban oo isku dhow dhow in markii Saddexaad ay walaalahooda dhibaateysan ugu deeqday Gar gaar.

Hoos ka Dhageyso Codka:-