DHAGEYSO:- Imaamka Beesha Mudulood "Xildhibaano mooshinka iyo qashinka iska daaya oo ansixiya golaha wasiirada cusub”.

0

Imaamka Beesha Mudullood ayaa ugu baaqay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay ansixiyaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Imaam Maxamed Yuusuf oo ka hadlayay kulan Qado ahaa oo uu gurigiisa ugu tegay R/wasaare Kheyrre ayaa sheegay in xaaladda lagu jiro ee abaaraha iyo amaandarrada darteed loo baahan yahay xukuumad degdeg u howlgasha.

“Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa inay mooshin iyo qashin nagu keenine ay ansixiyaan xukuumadda oo ay aqabalaa, boqorkii dhulkaan ayaan ahay waa inay taladeyda yeelaan”ayuu yiri Imaamka oo R/wasaaraha u rajeeyay in sidii hore kalsoonida loogu siiyay haddana aanay dhibaato kala kulmin ansixinta xukuumadda.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO