DHAGEYSO:- Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle oo gaaray Magaalada baladweyne

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka, Saraakiil Ciidan, Haween iyo xubno kale.

Kadib Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay Maamulka Gobolka iyo Odayaasha dhaqanka, wuxuuna kala hadlay arrimo la xiriira Gobolka Hiiraan.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha ka jira Hirshabeelle, wuxuuna sidoo kale sheegay in uu socdo Qorshe Gobolka Hiiraan looga hirgelinaayo xarumo Wasaaradeed oo ka tirsan Hirshabeelle.

Hoos ka Dhageyso Codka:-