DHAGEYSO:- Masuul Sare oo lagu dilay Muqdisho iyo Mid kale oo la dhaawacay

0

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Sheekh Axmed Calasow, halka sidoo kalena ay dhaawaceen Guddoomiye waaxeed ka tirsan Degmadaaas, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmadaas.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay Xoghayaha iyo Guddoomiye Waaxeedka Gaari ay wateen in lagu horjaray Gaari kale, sidaasina lagu Rasaaseeyay.

Waxa uu sheegay in lagu raadjoogo raggii dilka ka dambeeyay, loona dulqaadan doonin mar walba in dil uu dhaco, kooxihii ka dambeeyayna ay baxsadaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-