DHAGEYSO:- Shariif Xasan oo la ogaaday Inuu wado qorshe lagu diidayo Xukumada Ra’isal Wasaare Xasan Kheyre Iyo Amina Mursal Oo Kashiftay.

0

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jira inaanan la ansixin golaha wasiirada cusub ee uu magacaabay Ra’isul wasare Xasan Cali Kheyre.

Shariif Xasan Sha Aadan oo ah siyaasi caan ku ah taakada uu udhigo xukumadaha xiliyadii uu gudoomiyaha barlamaanka ahaa ayaa si weyn uga soo horjeeday in saamigii Koofur Galbeed laga siiyay golaha wasiirada laga waayay siyaasiyiin uu isaga gudbiyay.

Sidoo kale isagoo ka faa’ideysanaya saluuga ay beelaha Koofur Galbeed ka qabaan wasiirada la siiyay ayuu Shariif Xasan usheegay ku dhawaad 60 Xildhibaan oo goboladaas kasoo jeeda ineysan codka kalsoonida siinin xukumada cusub.

Aamino Mursal oo soo noqotay Wasiirada arimaha Haweenka xiligii Cali Geedi ayaa fashilisay in Shariif Xasan uu maleegayo qorshihii lagu diidi lahaa xukumada cusub ee Ra’isal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Hoos ka Dhageyso Codka:-