DHAGEYSO:- Sida ay Bulshada Soomaaliyeed u arkaan Magacaabista Golaha Wasiiradda iyo Muranka weli ka taagan

0

Xukuumaddu waa mid ka mid ah hey’addaha dowladda gaar ahaan waxa ay ka mid tahay saddexda hey’adood ee ugu waa weyn dowladda waxa ay la meel joogtaa Cagsoorka iyo Xeer dajinta oo ah golaha shacabka,shaqooyin badan ayay qabataa laanta fulinta ee dowladda Soomaaliya ,nidaamka xukuumadaha waa mid ay badi qaataan dowladaha Dunida muslimka iyo reer galbeedka si dowlanimada ay  dhameys u noqoto.

Waxaa Caado iyo dhaqan siyaasadeed ka ah wadamada qaar in madaxweyne waliba markii la doorto maalmo ka dib uu soo magacaabo wasiirkiisa koowaad ama ra’isul wasaaaraha hor-fiiqa u ah golaha fulinta ,wixii ka danbeeyay dowladdii dhexe ee muddo sanado ah leeylin jirtay dalka, waxaa soomaaliya soo maray madaxweynayaal isaga danbeeyay xilalka dowladeed kuwaasi oo ay soo doorteen Xildhibaanadii baarlamaanka ee soo maray dalka.

329 Mudane oo ah wadarta guud ee golaha shacabka iyo Aqalka Sare waxa ay 8 dii bishii labaad ee sanadkan ay Madaxweynaha Jamuuriyadda Soomaaliya u doorteen Maxamed C/laahi Maxamed ( Farmaajo ) oo mar soo noqday ra’isul wasaaraha soomaaliya.

Ka gadaal dhaarintiisa 16 kii bishii labaad ee sanadkan ayaa lagu wareeyay Xafiiska wuxuuna isla maalinkaasi magacaabay xubno saddex ah oo ka shaqeynayo madaxtooyadda, isla 22  kii bishii labaad ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo lagu caleemo saaray xerada ciidanka cirka ee Afasyooni,xili ay garbihiisu ay taagnaayeen labadii madaxweyne ee xilka kaga horeysay.

13 Maalin ka dib doorashadiisa wuxuu isla 23 kii bishii labaad soo magacaabay ra’isul wasaaraha soomaaliya xili la filayay soo magacaabistaasi in ay bil ku qaadato sidii ay aheyd caadada siyaasadeed, Xasan Cali Kheyre oo ah Ra’isul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya waxaa laga sugaayay soo magacaabista Wasiiro ,Wasiiro ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal si dowladnimado ay dhameys u noqoto,

Ra’isul Wasaarasaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre 29 maalmood magacaabistiisa ka dib wuxuu ku dhawaaqay golihiisa wasiirada waxa uu soo dhisay xukuumad ka kooban 68 Xubnood oo 27 ka mid ah ay yihiin wasiiro halka 15 ka mid ah ay yihiin wasiiru dowlayaal 26 ka mid ahna waa Wasiir ku xigeeno ,golahani wasiiradda cusub 42 ka mid ah waa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya in kastoo waxbadan laga badalay qaabkii Awood qeybiga ee wasaaraddaha haddana wali ma gaarsiisano heerkii loo baahnaa.

Hoos ka Dhageyso Warbixinta:-