DHAGEYSO WARBIXINTA:- Sababta Keentay in Maaska Koostadda lagu kala iibsado 75,000 Sh.So Halkii Hore ay u aheyd 15,000 Sh.So

0

Faa’iidooyin dhowr ah ayaa caafimaad ahaan laga helaa qudaarta cagaaran sida Koostada , Ansalaatada ,Bagalka ,iyo noocyo ka mid ah qudaarta cagaaran waxaa badan kood laga helaa fitimiin C  dad badan oo inaga mid ah ayaanan ogeyn faa’iidada ay leedahay qudaarta cagaaran waxa ayna doorbidaan in ay miraha isticmaalaan, Soomaaliya waxa ay leedahay dhuul ku haboon wax beerashada waana sababta ay dadkeena badi beeraley u yihiin.

Muddo waxaa tacabka beeraha saameyn xoog leh ku yeeshay roob la’aanta ka dhalatay abaarta,beeraley badan ayaa tacabkooda ku tiirsanaa biyaha roobka maadaama aysan ku fileyn ceelasha, taasi waxa ay saameynteeda ku fiday miyi iyo magaalo waxaa la waayay qeyb ahaan qudaarta cagaaran inta suuqa soo gashay waxa ay ku timid qiimo aad u sareeyo.

Tusaale Maaska Ama Xirmadda koostada ah waxa ay suuqyada ku taallaa 70,000 oo shilin soomaali ah halkii hore loogu iibsan jiray 15,000 oo shilin soomaali ah si taasi la mid ah bocorka ayaa la kala sii sanayaa 150,000 oo shilin Soomaali ah  kaasi oo hore u ahaa 10,000  Sh.So halka Tanaga Yaanyada uu ka magarayo suuqyadda 180,000 oo Shilin Soomaali ah illaa 200 oo Shilin Soomaali ah bal qiyaas waxa la sii iibin karo mar haddii qiimahooda uu halkaasi marayo.

Hoos ka Dhageyso Warbixinta:-