DHAGEYSO WAREYSI:- Aqoonyahan Falanqeeyay Ansixinta Golaha Wasiirada, Abaaraha, Amniga iyo caburinta Somaliland

0

Aqoonyahan Cukaash Sugow oo ka mid ah Aqoonyahada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden ayaa waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Ansixinta Golaha Wasirada, Abaaraha, Amniga iyo caburinta Soomaaliland ay ku heyso Wariyeyaasha iyo Fananiinta.

Cukaash Sugow ayaa sheegay Baarlamaanka Federaalka iyaga oo fiirinaya baahida shacabka iyo xaalada dalka in looga baahan yahay in ay ansixiyaan Golaha Wasiirada, si dalka uu u gaaro hormaro waa weyn.

Sidoo kale Aqoonyahan Cukaash Sugow oo maanso ka tiriyay arrimaha Abaaraha iyo Amniga ayaa sheegay Nabadgelyada iyo Abaaraha in ay isku lifaaqan yihiin, wuxuuna sidoo kale ku baaqay in wax loo qabto shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Abaaraha.

Dhanka kale Mr. Sugow ayaa Soomaaliland ku amaanay hormarka, Nabadgelyada iyo dhaqaalaha, wuxuuna Soomaaliland ugu baaqay in aysan xirin dadka Birimageedada ah, oo ay ka mid yihiin Fanaaniinta, Wariyeyaasha, Haweenka iyo dadka jilicsan.

HALKAAN KA DHAGEYSO