DHAGEYSO WAREYSI:- Faroole oo ka hadlay Mowqifkiisa ku aadan wasiirada cusub iyo waxa uu ka aaminsan yahay Farmaajo iyo Kheyre

0

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si qalbi furnaan ah uga hadlay arrinta ku aadan Khilaafka ka dhashay asixinta Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Faroole oo hadda ku sugan Australia ayaa lasoo xiriiray saxaafadda Soomaaliya, wuxuuna bixiyey wareysi qiimo badan oo uu ku dalbaday in si deg deg ah loo ansixiyo golaha wasiirada.

“Dadka Baarlamaanka waxaan u gu baaqaaya odey Soomaaliyeed ahaan, xubin aqalka sare oo baarlamaan ku jira ahaan, oo aan hada maanta idinla joogin, Waxaas hada aan maqmaqlayo yaan ummada aduunka idinla yaabin, dadka soomaaliyeed ee wax kala garanaya idinla yaabin” ayuu yiri Faroole oo la hadlay saxaafadda.

” Golahaasi wasiirada sida ay u keeneen raggii loo xilsaaray dowladda ee loo doortay, oo Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynihiisa oo la tashaday ay ka midyihiin, waxaan lee yahay sidii ra’isalwasaaraha lagu ansixiyey oo kale ha lagu ansixiyo , sidaasi ayaan codsanayaa, sidaasi ayaa xalku ku jiraa ,sidaasi ayaana ku dhaarateen dalka inaa u shaqeysaan” ayuu sii raacyey.

Hadalka Faroole ayaa imaanayo xilli ay xaalad aad u kacsan ka jirto ansixinta golaha wasiirada markii ay is hor istaag ku sameeyeen qaar badan oo ka tirsan xildhibaanada oo uu horkacayo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO