DHAGEYSO WAREYSI:- Maxaa Sabab u ah Dilalka ku soo badanaya Magaalada Muqdisho ?

0

Sugidda amnigu waxay kamid tahay  caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala dawladda  cusub ,  waxka qabashada amni darada guud ahaan kajirta wadanka gaar ahaana caasimadda soomaaliya waxay kamid ahayd balanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee uu sameeyay Madexweyne farmaajo ,  balse waxaa isbuucyadii ugu dambeeyay muqdisho kusoo badanayay falalka amni darada iyo dilalka isugu jira.

Tan iyo wixii  ka dambeeyay  doorashadii madaxtinimo ee muqdisho  kadhacday  bishii  February ilaa iyo hadda  waxaa Muqdisho lagu dilay dad aad ubadan,  kuwaasoo  tiro badan oo kamid ah loo dilay qaab qorsheysan ama sitoos loo beegsaday ,  waxaana xusid mudan inay kordheen  dilalka loogaystay oday dhaqameedyada iyo ergaydii kaqayb gashay soo xulista xubnaha barlaman-ka hadda shaqaynaya,  waxaana  intaa dheer saraakiil ka tirsanaa ciidamada nabad-sugidda oo iyagana siyaabo kala duwan loodilay.

Tiro badan oo kamid ah , dadkaas la dilay waxa ay kudhinteen   qaraxyo  dhacay ,  oo uu ku jiro Qaraxii  19 febraayo ka dhacay xaafadda Kaabo-godey oo ay ku dhinteen in ka bada 30 qof iyo qaraxyo kale oo is xigxigay  kuwaasoo  qaarkood shakhsiyaad gaar ah lagu weeraray ,  guud ahaana tirada shacabka ee ku dhintay qaraxyadan oo kaliya waxay kor udhaafaysaa  60 qof .

Badankood   dilalkan ka dhacayay Muqdisho  mudooyinkii ugu dambeeyay ma jirin cid si toos ah oo loogusoo qabtay, Hadaba waqtigan  kala guurka ah iyo waxa isku beegay dilalkan dhacay , iyo  sababta kadambaysa in in amniga caasimaddu uu khalkhal kan galo waxaan kawaraysanay  Maxamed Nuur Xaji  oo ah Sarkaal hore oo katirsanaa ciidamadii XDS xiligii dawladii dhexe, Axmed Maxamed Cabsiiye oo lakulmay ayaa ugu horay waydiiyay waxa keenay in amaanka caasimaddu uu heerkan gaaro.

HALKAAN KA DHAGEYSO