DHAGEYSO:- Wasiirul Dawlihii Labaad oo iska casilay Xilka uu u magacaabay R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiiru dowlayaashii labaad ee shalay uu magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu  ku dhawaqay in uu iska casilay xilkii shalay loo magacaabay.

Wasiiru dowlaha Iscasilay ayaa lagu magacaabaa C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi waxaana shalay loo magacaabay Wasiiru Dowlaaha Wasaarada Cadaalada ee Xukuumada Soomaaliya halka hortiisna uu isacasilay Wasiiru dowlaha Waxbarashada kaasoo lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir.

Warar ayaa sheegaya in sababta uu isku casilay ay ka dambeysay kadib markii uu cadaadis daran kala kulmay Beeshiisa sida illo wareedyo inoo xaqiijiyeen.

Isku soo wada duuboo waa Masuulkii labaad oo mudo ka yar 24 saac isaga taga shaqadii loo magacaabay waxaana ka horeyay Wasiiru dowlaha Waxbarashada C/raxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir oo kamid ah liiska wasiirada uu ku dhawaaqay shalay R/wasaare Xasan Cali Kheyre oo isana iscasilay.

 

HOOS KA DHAGEYSO