DHAGEYSO: Xildhibaan Idiris Cabdi "Xukuumada Cusub Waa Baal Marsan Tahay Nidaamkii Awood Qaybsiga Ee Beelaha Ku Heshiiyeen"

0

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah xubanaha baarlamaanka ee wada moshinka ka dhanka ah xukumada cusub oo uu dhawaan ku dhawaaqay ra’isul wasaare Xassan Cali Kaheyre ayaa sheegay in la abaabulayo banaanbaxyo la’isaga horkeenayo shacabka iyo baarlamaanka, oo uu ka digay arintaasi, iyo in la abuuuro dhibaatooyin hor leh.

Xildhibaan Dhaqtar waxaa uu shegay 100 xildhibaan in ka badan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ay ka mideysanyihiin arinta mooshinka ka dhanka ah xukuumada cusub, oo uu tilmaamay in loo soo magacaabay xukuumada qaab aan waafaqsaneen araktida awood qeybsiga ee horey beelaha soomaaliyeed ugu heshiiyeen, waxaana uu soo jeediyey in lagu laabto arinta wasiirada cusub ka hor inta aan la horkeenin baarlamaanka.

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO