Dooni lagu Afduubtay Xeebaha Maamulka Puntland.

0

Kooxo Burcadbadeed ah ayaa Dooni ka afduubtay halka loo yaqaan Mareeya oo u dhow Degmada Ayl , taas oo uu iska lahaa Ganacsade Soomaaliyeed oo ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland.

Doontaan oo Magaceeda la yiraahdo Caseer Two ayaa waxaa iska leh Ganacsadaha Soomaaliyeed Saciid Cismaan Saciid.

Wararka ayaa waxa y sheegayaan  in Burcadbadeedu Doonidaasi ka dajiyeen 10 shaqaalihii la socday Doonidaasi ka tirsanaa oo u dhashay Waddanka Yemen.

Lama Oga sababta Afduubka loogu geystay Doonidaasi Ganacsadaha Soomaaliyeed u rarneed.

Ganacsadaha iska leh doonidaan islamarkaana ay u rarneed ayaa sidoo kale ah Malkiilaha Hoteel lagu Magacaabo Seytuun oo ku yaalla Magaalada Boosaaso.

Dhawaan ayey ahayd markii Meel ka fogeyn Caluula Kooxo Burcadbadeed ah ay Markaab shidaal Afduub ugu geysteen walow laga soo badbaadiyay.