DHAGEYSO:- Dowladda Kenya oo loogu baaqay in ay furto xadka ay la wadaagto Soomaaliya

0

Amnesty International iyo Human Rights Watch oo ka mid ah Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa waxa ay Dowladda Kenya ugu baaqeen in ay furto xuduudka kala dhaxeeya Soomaaliya, si loo helo nafis buuxa oo la xiriira xadkaasi.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Labadan Hay’adood ayaa waxa ay ku sheegeen muhiim in ay tahay in la furo xuduudka labada dal, si Qaxootiga Soomaaliyeed ay uga baxaan dhibaatada ay kala kulmaan xirnaanshaha xuduudkan.

Dhanka kale labadan Hay’adood ayaa Dowladda Kenya waxa ay ka codsadeen in ay masuuliyd iska saarto Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Dhadhaab, oo hada mararka qaar la kulma xaalado adag.

Sidoo kale Hay’adahan ayaa Dowladda Kenya waxa  ay ka dalbadeen in aysan qasab ku soo celin Qaxootiga, lana dhowro sharuucda caalamka iyo go’aankii Maxkamadda Sare ee Kenya ku joojisay in la xiro Xeradda Qaxootiga Dhadhaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-