ETHIOPIA MA HELIN WELI RAG GARASHO LEH OO FIKIRKAA ISTICMAARKA DAREEMA.

0

Ethiopia waa dal daris la ah gayiga soomaaliyeed,waana dal ay soo gashay diinta masiixigu taariikhda milaadigu markay ahayd 100.Diinta islaamkuna waxay soo gashay qarnigii 7aad,taariikhda milaadiga 615 ayadoo muhaajiriin maka kayimid kasoo dageen zaylac soomaaliya oo ay u gudbeen waqooyiga ethiopia boqordaganaa dhulkan tigreega oo la oran jiray najasha oo islaamay.

Taariikh yahanadu waxay tilmaamayaan in zaylac kadib ay axsaabadu u gudbeen harar kadibna ay u safreen najasha.Hadaba gumaystaha doolka ku yimid afrika ee dhul boobka ahaa hororka ah ayaa qaybi oo xukun kiisii caleemo saartay eithiopia.Waxa uuna u kabo galiyay inta yar ee masiixiga ah oo uu u dhiibay saldanada si ay u xukumaan inta badan ee islaamka ah.Gumaystuhu ama isticmaarku makala jecla dadyoowga diirka madoow ee daga qaarada afrika hayeeshee wuu kala qoqobay si uu u fushado danihiisa gumaysi.Soomaaliya oo diinta islaamka qaadatay si toos ah xilagaa axsaabadu ka timid maka ayadoon dadka oo dhan la arag wax diiday,sidii reer madiino oo kale ayay soomaalidu xiligaa 100% diinta islaamka qaateen.

Isticmaarku waxa uu isha ku hayay soomaalida gobta ah ee xorta ah ee leh dhaqanka fiican ee suuban hadana qaadatay diinta xaqa ah ee islaamka.Waxa uu doorbiday in dhulka soomaaliya qaybiyo 5 meelood islamarkaana ethiopia u wakiishaday hagardaamaynta umada soomaaliyeed.Ethiopia waxay noqotay mid la isticmaalay oo khaadim isticmaarsi ah oo loo adeegsado soomaliya had iyo jeer iyadoo qayb soomaaliya kamid ah isticmaarku ku wareejiyay dadkii iyo dhulkiiba kuwaas oo ah dad iyo dhul soomaaliyeed oo xor ah.


Ethiopia ma helin wali rag garasho leh oo fikirkaa isticmaarsi dareema kadibna tix galiya darisnimada iyo walaal nimada afrikaanimo ee u dhaxaysa labada dal soomaaliya iyo ethiopia.Dhulka soomaaliyeed oo ay kabaxdo waa soomaali galbeed ee ayaa keenaysa daris wanaag iyo nabad waarta iyo waxwada qabsi dhab ah oo dhex mara labada dal.Ethiopia waxay ku haminaysaa in ay intii xorta ahayd ku darsato oo damac kalaa ku jira ah in ay liqdo soomaaliya dalka oo dhana ka dhigto dal ethiopia.


Dhagarta oo uu baadariga isticmaar ee cadaanka ahi dhagta uu ugu sheegay inay soomaaliya leeyihiin iyo kasmo yaridiisa ethiopianku ayaa keentay xasilooni daro joogta ah ee labada dal.Hayeeshee maanta ayuu u arkay fursad inuu helay kadib markii ay burburtay dawladii dhexe ee xooga lahayd soomaaliya 1991dii. Ileen waa nin cuqdadaysanee markiiba dalkii wuxuu soo galiyay hub uu u qaybinaayay dagaal oogayaashii kuwaasoo mid waliba isaga hoos imanayay.Tani waxay keentay in uu soo afjarmi waayo dagaalkii sokeeye oo soomaali dib u dhisan waydo dawladii. waxaa lafahan san yahay in ethiopianku dagaal ooga yaasha dhaqaale iyo huba siinayeen oo majara u hayeen mudo dheer. Kadib qolo diineed ayaa soo baxday taasoo hadana ethiopia ku yeelatay rag hawshaa wax kawada tanoo sii xumaysay xal u helida dalka soomaaliyeed.

Hadii lahelay dawlad soomaaliyeed waxay ethiopia samaysatay xisbi siyaasi ah oo danaha ethiopia ee guumaysi fuliya oo gala baaralmaanka,golaha wasiirada iyo heer madaxwayne dalka hogaamiya.xisbigani waxa uu ka shaqaynayaa in dalka soomaaliya yeelan dawlad hana qaada oo shaqaysa si markaa garab caalami ah ay ugu helaan in dalka soomaaliyeed yahay qabiilooyin aan noqon karin qaran jira kuwaas oo hoos yimaada dalka ethiopia maamulkiisa.Hada had iyo jeer dadka baroo ehtiopianka ahi ma ogola in dawlad soomaaliyeed dib u dhalato dalkuna helo kala danbayn iyo nidaamkii iyo abnigii.Waxay kasoo horjeedaan xisbiga qarsoon ee ethiopia u shaqeeyaa in la dhiso ciidankii xooga dalka soomaaliyeed.mana inoo ogola iyagoo xoojinaya in ciidamada afrikaanka ahi sii joogaan marwalba dalka soomaaliya.

Cadawga uugu wayn maanta ee soomaaliya u diidan dawlad nimada waa dad soomaaliyeed oo u adeegaya eithiopia iyagoo is qarinaya oo xisbi ah,dhaqaale joogta ah ayay leeyihiin waana isku xiran yihiin.waa dad soomaali inala ah isku diin aynu nahay isku af aynu nahay isku midab aynu nahay dalkana aan wada leenahay hadana ah cadawga uugu wayn ee qaranka duminaya.Shaqada uugu horaysa ee wadaniga soomaaliyeed laga rabo maha in uu isku taago dalal shisheeye oo cadaw inoo ah ugu horayn ee waa in marka hore la cirib tiraa khaadinka iyo daba dhilifka ku shaqaynaya fikir shisheeye.Shisheeye kuu iman maayo walaalkaa ayaa lagaa adeejinayaa markaa waa in qofkasta oo soomaaliyeed hubiyaa inta uu kayaqaan ehel tol iyo saaxiibaba waxa ay yihiin ma wadanibaa mise waa cadaw daba dhilif ah?

Dalwalbaa aduunyada waxa uu xoroobay oo hormar gaaray markuu sifeeyay shisheye raacii daba dhilifka ahaa.Waxaad arkaysaa dunida casriga ah qofkule wadani ayaan ahay soomaali ah hadana lasoo taagan reer hebel waa in lasiiyaa wasaarad heblaayo oo lacag fiican leh iyo miisaan wayn!!tani waxay cadaynaysaa in aynaan dawlad hanan karin waana fikirkii gumaysi ee laynagu dhex beeray.waayo aqligaa ogol wasaarad iyo wasiir waa shaqo mudo yar la hayo kadibna layska qaado maha wax reer yeelankaro iyo shaqsi midna waa adeeg dawladeed oo loo siman yahay qarankaa leh.reer hebel nin kamid ah shaqo halasiiyo maha in qabiilooyin dhan isugu baa ba aan oo dalka lagu ciyaaro.ethiopia ma doonayso in aynu kabaxno 4.5 oo ah fikirkeeda cadawga ah ee ka hor imanaya dawlad nimada. qabiilka waxaa inagu dhex wada fikir loo soo dhiibay qof soomaliyeed waa in aan iska qabanaa soomaalida wada ee inagu dhex jirta. qofka shaqada dawlada loo dhiibayo heerkastaba ha ahaatee waxaa shardi ah in uu yahay mid aamin ah xirfadaa yaqaan oo soomaali ah.laakiin nin gumaysi u shaqaynaya ayaa ku leh maya waa in uu yahay reer hebal si soomaalidu aysan u helin dawladnimo waligeed.


Waxaa bishaaro iyo farxad wayn inoo ah soomaaliyeey in aynu maanta helay isku duubni dawlad iyo shacaba oo aynu u istaagnay difaaca dalkeena inagoo dabar gooynayna oo sifaynayna gumayste kalkaalka inagu dhexjira ee ethiopia maal galiso.waxaa ina deeqa diintaa islaamka ee aynu wada haysano iyo soomaalinimadaa mana doonayno dadkeena in lagu kala qaybsho oo lagu gumaysto qabiil.waajib weeye diiniyan ah in aan dabargoyno oo qoorta ka guro cadawgeena inagu dhexjira waana xiligii sifaynta qaranka.suuro gal maha in laysku dhexjiro. waa soo afjarmay fara galintii qaawanayd ee ethiopia bilawday 1991dii oo dhamatay 8.2.2017 oo ay dib uga baxday soomaaliya guud ahaan waxaase haray xisbigii ay inagu dhex beertay oo gudaha iyo dibadaba kashaqaynaya kaasoo lagu raadjoogo sharcigana la marsiinayo.soomaaliya way istaagtay cadawgeediina waa jabay.
W/Q:Ýuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com