Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxayo Burcadbadeed Soomaali ah oo dooni Afduubatay

0

Koox Burcad-badeed  ah ayaa dooni laga leeyahay Yemen , waxa ay ku Afduubteen Xeebaha degmada  Eyl gobolka Nugaal sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in Kooxda Burcada ah  ay Afduubteen doonidaasi.

Sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen Ciidanka Booliska Puntland in doonida ay Saarnaayeen 10 qof.

Degmada Eyl ee gobolka Nugaal oo ay dhacdaan ka dhacday ayaa waxaa kusii jeeda ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Burcadbadeeda doonida Afduubatay ayaa la sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo 10 qof.