Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxayo Qaraxii Xooganaa ee ka dhacay Muqdisho

0

Waxaa qarax gaari uu ka dhacay degmada Dharkiinley gaar ahaan xaafada Dabakaayo Madow ee magaalada muqdisho, kaasi oo ay ka soo baxayaan Warar kala duwan.

Qaraxa ayaa la sheegay in gaariga loogu xiray  Nabadoon la sheegay inuu ka mid ahaa Ergada soo dooratay xubnaha Baarlamaanka soomaaliya, kaasi oo marayey xaafada Dabakaayo Madow ee Dharkiinley.

Nabadoonka ayaa waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Jowhar.

Waxaa la xaqiijiyay in Nabadoonka uu ka badbaaday Qaraxa, Waxaana ilaa hada aysan Booliiska , Nabad Sugidda Degmada iyo Maamulka aysan faah faahin ka bixiyay Qaraxa.

Waa qaraxii labaad ee maanta ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo waxyar ka hor qarax gaari uu ka dhacy degmada Waaabari ee gobolka Banaadir, kaasi oo gaarigiisa loogu xiray Cabdishakuur Ciise oo la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalada dowladda.