FAALLO: Imisa Wasaaradood ayuu qaadi karaa dalkan, Wasiirse caynkee ah baa loo baahan yahay waqti xaadirkan ?

0

Waxaan faaladan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo inta wasaaradood ee uu qaadi karo dalkeena Soomaaliya iyo waliba nooca wasiir ee loo baahan yahay waqti xaadirkan, Iyadoo ay waliba jirto rajo weyn oo laga qabo hogaanka Madaxweyne Farmaajo, Kaasi oo la doortay 8 bishii Feebaraayo ee sanadkan 2017. Inta aanan ku guda jiro qormadeyda, Waxaan iskudayi doonaa inaan ka faaloodo tirada wasaaradaha loo baahan yahay.

Arintan, ayaa igu dhalatay ka dib markii aan arkay dareenka wanaagsan ee ka muuqda Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaarihiisa, Kuwaasi oo sheegay in ay doonayaan in uu isbadel dhab ah ka dhaco dalkan ay ragaadiyeen khilaafaadyada daakhiliga iyo waliba faragelinta shisheeye, siiba tan ka imaaneysa dalalka dariska ah. Labadan musiibo, Ayaa ah kuwa la degay dalkan, Waxaana haatan gacanta ku hayaa qormo aan kaga waramayo sida xal loogu heli karo labadan musiibo.

Madaxweynaha oo ka faa’iideysano aqoontiisa, kartidiisa, waayihii uu ku noolaa dalka Maraykanka oo ay ka jirto dowlad ku dhisan nidaamka federaalka iyo waliba waayo-aragnimadii uu ka helay xiligii uu ra’isulwasaaraha ka ahaa Dowladdii Shariifka, ayaa sheegay in uu hogaankiisa ka duwanaan doono kuwii Isaga ka horeeyey, Islamarkaana uu wax badan ka qaban doono isbarbaryaaca iyo dhaqanxumida haraysay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo fahamsan waxa ay dowladi tahay iyo waliba waxa u qalma shacabka Soomaaliyeed, Ayaa sheegay in dowladdiisu ay noqon doonto mid la dagaalanta waxyaabaha dumiya dowladnimada sida musuqmaasuqa oo kale. Waxa uu sidoo kale sheegay, in uu mudnaan gaar ah siin doono arimaha la xariira dib-uheshiisiinta iyo talo-wadaagga, Si loo ilaaliyo midnimda iyo madaxbanaanida dalka, Waana sababtaasi sababta uu ku kasbaday taageeradan baaxadda leh.

Anigu, Waan ku qanacsanahay runtii sida uu Madaxweynuhu hadda wax u wado marka laga reebo aragtida ah “qolo hebel baan dalka ka saarayaa iyo waxaan isticmaalayaa ciidamo shisheeye iyo waxa la midka ah”. Maxaa yeelay, aragtidan horay ayey u soo shaqeyn weysay, mana dooneyno inaan dib ugu laabanno shalay iyo fashilkeeda. Sidee u tijaabineysaa wax ay ku guuldareysteen raggii Adiga kaa horeeyey sida Cabdulaahi Yuusuf, Shariifka iyo waliba Xasan oo kale ? Soomaaliya ma waxa ay u baahan tahay xal siyaasadeed mise xal caskari ?
Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta uga waramayo tirada wasaaradeed ee uu qaadi karo dalkeenna Soomaaliya iyo waliba nooca wasiir ee loo baahan yahay waqti xaadirkan, si loo dardargeliyo howlaha looga fadhiyo dowladdan cusub, Islamarkaana si ficil ahaan loogu badalo balanqaadyadii uu Madaxweynuhu sameeyey, gaar ahaan xiligii uu tartamaayey, Kuwaasi oo ay waajib tahay in laga dhabeeyo.

Maadaama uu dalkani burbursanaa wax ka badan dhowr iyo labaatan sano, Islamarkaana Dowladdani looga fadhiyo in ay noqoto mid bixisa adeeg bulsho oo kala duwan, si loo ilaaliyo taageerada ay Shacabka Soomaaliyeed u hayaan Madaxweynaha iyo tiimkiisa. Hadaba, Sow haboona in la isweydiiyo imisa wasaaradood ayuu dalkani qaadi karaa ?
Hadaba, Anigoo wax ku dhisaayo aqoonteyda, awoodda Dowladda iyo waliba waxyaabihii la soo maray ee fashilka u keenay dowladihii hore, Waxaan markan ku talinayaa in la dhsio 18 wasaaradood oo kaliya, gaar ahaan inta lagu jiro xaaladahan adag. Wasaaradahan 18-ka ayaa u baahan in loo qoro shaqaalo tiro iyo tayo ahaanba qaban kara shaqooyinka looga fadhiyo. Waa nagu ceeb runtii in maalin kasta aan dhisno gole wasiirro oo kala duwan. Maalin waxaan dhiseynaa 10 wasaaradood, halka maalinta kale aan dhiseyno 25. Maxaase diidaayo in la saleeyo tirada loo baahan yahay !!

Mar dhow, Waxaa tixi doonaa magacyada wasaaradaha 18-ka ee aan kor ku soo sheegay, Anigoo waliba u tixi doona sida ay u kala muhiimsan yihiin, balse aan marka hore wax ka tilmaamo nooca wasiir ee loo baahan yahay watiga xaadirkan, si dalkan looga dhaqaajiyo meesha uu hadda taagan yahay oo ah runtii meel aad u foolxun, balse aysan u muuqan dadka qaar, gaar ahaan kuwa sheegta siyaasiyiinta oo kale, Kuwaasi oo had iyo jeer ka been sheega xaaladda dalka.

Anigu, Waxaa qabaa in shaqaale kasta oo Dowladda loo qorayo, gaar ahaan wasiirada iyo wasiir kuxegeenada loo shardiyo sedex shuruudood oo lagamamaarmaan ah, Kuwaasi oo kala ah:-
1- in uu qofku daacad u yahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed (not jaajuus walaa qabyaaladiiste).
2- In uu leeyahay karti iyo awood uu wax ku qaban karo.
3- Iyo in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo ku filan oo uu wax uga badali karo wasaaradda loo magaaabay.

Waxaan sedexdan shuruudood u keenay waxaa weeye, Waxaa horay noo soo rafaadiyey tuug, beenlow iyo balwadlow aan waxba reebin, kaasi oo ka caado dhigtay in uu musuqmaasuqa hantidii dalka ee dadweynaha ka dhexeysay. Waxaa uu sidoo kale caado ka dhigtay, in uu dayaco masuuliyaddii saarneyd maadaama uu ku mashquulsan yahay musuqmaasuq iyo wax isdabamarin, Waana sababtaasi sababta ay Dowladani u dhaqaaqi la’dahay. Sow horay looma oran gacantii nadiif ah baa wax na diifisa.

Hadabo, aan markan taxo sideed iyo tobankii wasaaradood ee aan ku taliyey in la sameeyo, Anigoo waliba u tixi doono sida ay ugu kala muhiimsan yihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa ayna kala yihiin sidatan:-
1-Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta

2-Wasaaradda Dib-uheshiisiinta iyo Dhameynta colaadaha .

3-Wasaaradda Gaashaandhigga.

4-Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

5-Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

6-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

7-Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare.

8-Wasaaradda Maaliyadda iyo lacagta.

9-Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska.

10-Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

11-Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.

12-Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

13-Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
.
14-Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta.

15-Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka.

16-Wasaaradda Howlaha Guud, Guryeynta iyo Dib-u-dhiska.

17-Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha.

18-Wasaaradda Deegaanka, Dhirta iyo Ka hortagga Masiibooyinka.
Tirada wasaaradahani, Ma’ahan runtii kuwo ku badan ama ku yar dowlad laga doonayo in ay samatabixso dal burbursanaa wax ka badan dhowr iyo labaatan sano, Kaasi oo hadana aan haysan dhaqaale ku filan. Bal waxaan aaminsanahay, in tiradani ay ku filan tahay dalkan iyo dadkiisa, waa haddii la doonayo dowlad shaqeysa. Amma hadii wax kale la raadinayo sida wax qabiil loo qeybsado oo kale, taasi waxa ay noqoneysaa shaqo kale.!!!

Waxaan kaloo qabaa, in Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta ay noqoto midda hogaamineysa dhammaan wasaaradaha kale iyo waxyaabaha ay qabanayaanba, Maxaa yeelay dalkani waa dal Muslim ah. Waxaana qasab ah in wax walba oo la qabanayo loo fiiriyo waxa ay Diintu ka qabto. Tusaale ahaan, haddii aad galeyso heshiis ama aad sameyneyso shuruuc cusub, waxaa kugu qasab ah inaad la tashato wasaaraddan, si looga fogaado khaladaad diini ah.

Waxaan kaloo soo jeedinayaa in wasaaradani (Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta) loo dhiibo nin culimo ah oo ay ku weyn tahay diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed, si dalkan looga badbaadiyo shirqoolada loo maleegayo sida gaaleysiinta, shiiceynta iyo waliba dagaalka lagula jiro dhaqanka suuban ee dadka Soomaaliyeed, Iyadoo loogu soo gabanayo gargaar iyo saacideyn been ah.

Gabogabadii iyo gunaanudkii, Waxaa u soo jeedinayaa Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre in uu qaato taladan aan isleeyahay, waxa ay wax ka tari doontaa howsha looga fadhiyo Isaga iyo Madaxweynihisa oo aan ogahay in ay hortaallo howl adag oo u baahan in la iska kaashado. Hana ogaado inaan xisaabiyo qiimeyn ula fadhino Isaga xukuumaddiisa. Wabillaahi towfiiq.
W/Q: Maxamed Ibrahim
Ragow1960@hotmail.com