Guddoomiye Jawaari oo diiday in uu ka qayb qaato dadaalada Golaha Wasiirada codka loogu raadinayo

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa wuxuu iska diiday in uu ka qayb qaato dadaalada codka kalsoonida loogu raadinayo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda.

Diidmada Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxay ka dambeysay markii uu habeenkii Sabtida uu Xarunta Guddoonka Baarlamaanka ee Villa Hargeisa, ku qaabilay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa Ra’iisal Wasaaraha u qoray warqad uu ugu baaqayo in dib loogu noqdo magacaabista Golaha Wasiirada, ka dib markii 105 Xildhibaan ay soo jeediyeen in dib u eegis lagu sameeyo Wasiirada, ka hor inta aan la horkeenin Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanadan, ayaa tallaabada ay kaga soo horjeedan Golaha Wasiirada waxaa ay ku sheegeen in sad-bursi loo sameeyay beelaha qaar, halka kuwo kalana la qadiyay.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa Prof. Jawaari u sheegay inaanay Xukuumadiisu waqtigan diyaar u ahayn is qabqabsi siyaasadeed, sidaasi daraadeedna uu ka codsanayo in uu kala shaqeeyo, sidii Xildhibaanada u joojin lahaayen hujuumka ka dhanka ah Golihiisa Wasiirada, maadaama uu dalku ku sugan yahay marxalad adag. Hase yeeshee Jawaari, ayaa Ra’iisal Wasaaraha u sheegay in aanay shaqadiisu ahayn in arrimahaasi uu kala hadlo Xildhibaanada.

Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar oo ka mid ah Mudane-yaasha Golaha Shacabka, ayaa sheegay in Xildhibaanada diidan Golaha Wasiirada ay tiradoodu gaartay 125 Xildhibaan, kuwo kalana ay fillayan in ay ku soo biiraan.

Xildhibaan Takhtar, ayaa ku waramaya in Ra’iisal Wasaare Khayre uu hadda haysto fursad afar cisho ah, oo uu ku sixi karo khaladaadka ka dhashay qaabka Wasiirada loogu qaybiyay beelaha, sida uu yiri.

Dhanka kale waxaa jira Xildhibaano iyagu taageersan Xukuumadda. Xildhibaan C/shakuur Cali Mire, ayaa sheegay in Xukuumaddu tahay mid isu dheeli tiran, loona baahan yahay in la taageero.

Jawaari, ayaa Xukuumadda ku wargeliyay in kama dambeys ay Golaha Wasiirada horkeeni karto Baarlamaanka, 31-ka bishan oo ku beegan dhammaadka toddobaadkan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa dareensan in culeys weyni uu xilligan ka soo foolay Xildhibaanada, waxayna u baahan yihiin in ay raadiyan taageeradooda.