Gudiga Doorashada Madaxtinimada Galmudug oo la Ansixiyey

0

Kulan maanta ka dhacay Magaalada Cadaado ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay iskugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Waxa uu kulanka ahaa mid ajande u ahaa cod uqaadista Shaqada ay hayaan Gudiga Doorashada Galmudug.

49 xildhibaan ayaa xaadiray Kulanka waxaana ay keentay inay cod geliyaan sii shaqeynta Gudigaasi iyo In kale.

Waxaa shir gudoominayey Kulankaasi Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir isagoo sheegay in 26 ay ogolaadeen iyadoo 22 ay diideen,gudoomiyaha ma codeyn isaga.

Waxay keentay in codka ay ubadatay in gudigaasi ay shaqada sii wadan doonaan xilli shalay Sabtidii Baarlamaanka Galmudug ay go’aamiyeen in 10-ka April doorashada dhacdo.

Hore Xildhibaanada Galmudug ayaa gudigaan soo xushay waxaana maanta la meel mariyey in ay sii wataan shaqadooda.