Hogaamiye mucaarad ah oo Ruushka lagu xidhay

0

Hogaamiyaha ugu wayn xisbiyada mucaaradka ah ee Ruushka, Alexei Navalny, ayaa la xidhay isagoo ka qayb galaya bannaan bax lagaga soo horjeedo musuqmaasuqa oo uu isagu soo abaabulay oo ka dhacay caasimadda Moscow.

Kumanaan qof ayaa ka qayb galay dibad baxyo dalka oo dhan ka dhacay oo dalbanayey in ra’isal wasaare Dmitry Medvedev is casilo ka dib markii ay soo baxeen eedo la sheegay oo musuqmaasuq ahi.

Ugu yaraan 500 oo kale oo mudaharaadayaal ah ayaa lagu xidhay caasimadda iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.

Dibad baxyada badankoodu waxay ahaayeen qaar sharci darro ah maadaama oo la soo abaabulay iyada oon ruqsad sharci ah loo qaadan.

Sawiro Telefishan ayaa muujiney dadka bannaan baxayey oo ku dhawaaqayey ” Putin ha dhaco”, “Ruush bilaa Putin ah” iyo “Putin waa tuug”.

Warfidiyeenku waxay sheegayaan in isku soo baxyadan la moodo kuwii ugu waawaynaa ee dalka ka dhaca tan iyo mudaharaaddadii dawladda lagaga soo horjeeday ee sanadihii 2011 iyo 2012.

Banaan baxyadu waxay sidoo kale ka dhaceen magaalooyinka Saint Petersburg, Vladivostok, Novosibirsk, Tomsk iyo dhawr magaalo oo kale oo la sheegay in dad lagu xidh xidhay.