WAR DEG DEG AH:- In ka badan 20 Danjire oo gaaray Magaalada kismaayo

0

Wakiillo ka socda Midowga Afrika iyo in kabadan 20 dajiryaal ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Safiirrada iyo mas’uuliyiinta ka socota Midowga Afrika ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Ujeedada Mas’uuliyiintan ayaa lagu sheegay in uu yahay u kuur galidda xaaladda abaaraha ee ka jira Jubbaland,waxaana ay sidoo kale la kulmi doonaan mas’uuliyiinta kale eee Maamulka Jubbaland oo uu ugu horreeyo Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Jubbaland.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Mamasa;oo ka mid ah golaha Nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika waxaa kale oo xubin ka ah Danjiraha dalka Botswana Josephine Molefe;kaas oo lacag ku wareejiyay maamulka Jubbaland.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media