JAWAARI OO LAGU TUHMAY IN UU XUBIN KA YAHAY XISBIGA BAROO ETHIOPIA EE LAGA ADKAADAY 8.2.2017.

0

Shaki kuma jiro in ay dawlada ethiopia ka faa iidaysatay burburkii dawladii dhexe 1991 dii.waxay dalka soomaaliya ku dhex yeesheen dad soomaaliyeed oo u adeegaya danaha siyaasadeed ee dalkaas.waxay gaadhay ethiopia in ay inagu dhex samaysato xisbi siyaasi ah oo xubno ka noqda baarlamaanka dalka soomaaliyeed.hadaan taariikhda dib u yara jaleecno.Nin la oran jiray cabdulqadir yaxye ayaa aas aasay urur loo soo gaabiyo CRD oo ah center for research and dialogue. ururku waxa uu wacyi galin jiray arimaha nabada iyo wada hadalka bulshada dhexdeeda wax wanaagsan ayuu ugu baaqayay dadka soomaaliyeed.cabdiqadir alle ha unaxariistee waxa uu soomaalida u sheegaayay in ay ilaashadaan dalkooda kana ilaashadaan ethiopianka iyo kenyanka iyo shisheeyaha kalaba.

Ururkan waxaa lagu soo dhex darsaday ragii baroo ethiopianka ahaa waxaana mardanbe ka noqday kuxigeen hayadaas CRD XASAN SHEEKH MAXAMUUD oo mudo yar kadib dilkii cabdiqadir yaxye 11.7.2005 markaa la dilay ka baxay hay ada gabi ahaan teedba.fikirkii hay ada ku shaqaynaysay xiligii cabdiqaadir yaxye waxaa badalay gabi ahaantiisba xasan sheekh oo hoos geeyay adis.ababa. waxa afarsano kadib hadana la dilay ENG.maxamed xasan kulmiye oo u shaqaynaayay haydaas CRD oo lagu dilay balad wayne 22.6.2008.xisbigan baroo ethiopianka ahi waxa uu dalka kawaday burburkii dawladii dhexe kadib dilal qorshaysan oo lala beeg sanayay aqoonyahanada dalka,ciidamadii saraakiishii qaranka,culimadii iyo wax garadkii.CRD hay adan waxaa markii danbe qabsaday nin ku hayb ah xasan sheekh oo haysta ilaa hada.

Mudo kadib xasan sheekh waxa uu hoos geeyay CRD xarunta ugu wayn ee laga xukumo ee ay ku leedahay dalka ethiopia xubnana ay kayihiin wasiiro dawlada ethiopia ee fadaraalka ah kamid ahi ilaa hada taasoo xasan sheekh uu intuu xukunka hayay uugu deeqay lacag farabadan oo xarunta adis-ababa CRD ugu shubay maadaama uu xubin kayahay wali. sidaad ogtihiin waxay hay adani soo qortay in dalka soomaaliyeed xukunkiisa sare sida madax wayne laga ilaaliyo beelaha qaarkood sida DAAROOD iyo kuwa kalaba laakiin ay tahay in loo dhiibo beesha hawiye iyadoo laga dhex dooranayo hawiye beesha abgaal oo kaliya. arintan oo ah mid gumaystuhu mudo dhisayay xisbiga ah baroo ethiopian. hadaba waa ogayn in baarlamaanka ay kamid yihiin xubno baroo ethiopian ah oo ah kuwii caanka ahaa ee isku xiraa ee doortay xasan sheekh macnaha siiay codkooda balse ku guul daraystay ee sida ba an looga adkaaday.

Tiro ahaan waa 87 xubnood oo baroo ethiopian ah rasmi ah iyo dhawr kaloo arimo beel iyo saaxiibtinimo ku raacsan iyagoon aqoon u lahayn waxay yihiin kooxdani. isku darkoodu waa boqol ku dhawaad.Waxaa hadaba noo dhuuntay oo aan la filayn in waayeel jawaari kamid yahay xisbigaa baroo ethiopianka ah!! waayeelku inuu cimrigaa khaainu wadan noqon oo dalkiisa basaasi oo fashilin lama filanayn. cimrigan iyo dib usocod lama filayn waxaase fashilay xaqii.

Gacanku dhiiglaha 26 sanadood soomaali shirqool ku xasuuqayay ee dhicii xoogaagii caalamku kaalmu usiinayay soomaaliya ula cararay turkiga in jawaare dhagartaa kula socday lama filayn.dalka iyo dadka iyo diinta iibinteed in waayeelku u banbaxay lama filayn.

SOO XOORINTII
Dadka soomaaliyeed maanta waa bislaadeen dal iyo dibad waxay garabtaagan yihiin dawladooda,waxay difaacayaan diinta dalka iyo dadkooda.waxaan aragnaa kuwa shisheeyaha u adeegaya ee dawladnimada hortaagan kuwaas oo aan marin doono ciqaab adag oo shadiid ah danbigay galabsadeen awadood.waxaan oganahay kuwa nooga daran shisheeyaha ee nagu dhex jira ee sirta dalkii banaanka keenaya sida waayeelka saxaafada usoo bandhigaya qoraalkiisa oo sixiixan oo ah arimo ah sirtii dawlada soomaaliyeed!! waaba nin arimihiisu jaajuusnimo shisheeye dhaafeen oo sirtii dawlada baafinaya saxaafada caalamka.si qaranka soomaaliyeed u difaaco dalka iyo diinta iyo dadka oo dawlad jirta u ahaano waxaa laga maarmaan ah sifayn gudaha ah oo lasifaynayo shisheeye raaca inagu dhexjira.

Dagaalku waa dabadhilif diidan dawladnimo soomaaliyeed kana doorbidaya shilimaan isticmaar siiyo iyo wadani raba sharaf iyo qaranimo iyo soomaali oo ah dawlad xoogleh oo karaamo leh iyo haybad oo ilaashata dalka dadka iyo diintaba.Markaa hala adkaysto inta sifayntu socoto.JAWAARI IYO XASAN SHEEKH WAA HOGAAMIYAYAASHA CADAWGA LAYNAGU DHEX BEERTAY EE DIIDAN IN SOOMAALIYA AY KA DHALATO DAWLAD HANA QAADA OO SHAQAYSA IYAGOO HADA SAMEEYAY ISKU DAYGII U HOREEYAY EE DAWLAD DIIDNIMO.

W/Q: Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com