WAR DEG DEG AH:- Kulan deg deg oo ka socda Madaxtooyada, Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari oo Albaabada xertay

0

Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayan in Hadda kulan deg deg ah oo Albaabada u xiran yihiin uu halkaa uga socdo Seddaxda Masuul ee dalka ugu sareysa oo kala ah, Madaxweyne Farmaajo, R/wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari.

Kulanka oo hadda socda ayaa waxaa dibad joog ka ah Saxaafada iyo Siyaasiyiinta illo ku dhow Seddaxda Masuul ay Warbaahinta u xaqiijiyeen in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay ka dhaadhicinayaan Guddoomiye Jawaari in uusan ka hor imaan Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha iyo R/wasaarihiisa ayaa ku dadaalaya sidii Baarlamaanka Soomaaliya uu u meel marin lahaa Xubnaha Golaha Wasiirada ee hadda Magacaaban kuwaas oo xubno badan oo Mudanayaasha Golaha Shacabka oo guddoonkooda uu ugu horeyo ay diidan yihiin.