Madaxweyne Siilaanyo oo war cusub ka soo saaray Doorashada

0

Iyada oo maalinta Berri ah ee 28-ka March loo qorsheeyay in ay dhacdo doorashada madaxtinimo ee Somaliland ayeysan suuroobin,waxaana dib loo dhigay sided bilood oo kale.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay in uu ka xunyahay dib u dhaca ku yimid doorashada Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxaa uu sheegay in uusan jirin go’aan uga adkaa oo uu qaatay in ay doorashada dib u dhacdo waxaana uu ku tilmaamay in dib u dhacaasi uu aad uga xunyahay.

Guddiga doorashada Somaliland iyo Saddexda Xisbi ee ka jira Somalialnd ayaa isku afgartay in doorashada dib loo dhigo muddo lix bilood ah waxaase sided bilood ka dhigay golaha guurtida ee Somaliland oo muddo kordhinta sameeyay.

Beesha Caalamka ayaa Somaliland ku dhaliishay wiiqidda dimuqraadiyadda waxaana ay sidoo kale taasi saameysay ka qeybgalkii Somaliland ee Shirka arrimaha Somaliya oo bisha May ka dhacay dalka Ingiriiska,kaas oo dowladda Ingiriiska ay ka reebtay Somaliland kaddib markii ay qaban weysay doorashada madaxtinimada Somaliland.