MAQAAL:- GEESIYADA U KACAY GAYIGEENA IYO GUNAANADKII GUMAYSTAHA.

0

Soomaalidaa ku maah maahda “Wixii rag u kaco rabina aqbalo waa rumoobaan” Mudo rubuc qarniya laga soo bilaabo 1991 dii dalkeena waxaa ka jiray nidaam daro,markii ay booskii baneeyeen ciidankii xooga dalka soomaaliyeed ee sigayay amaanka dalka gudaha iyo dibdaba.maqnaanshaha ciidankii xooga dalka soomaaliyeed wuxuu keenay,in laysu dilo qabiil qabiil jifo jifo qoys qoys iyo bah bah. waxa dhacday in ninba kii uu is yiraahdo waad ka xoog roontay uu dhaco,dilo isagoo aan waxba xeerinaynin. waxaynu soo maray mudadaas aadka u dheer lagama sheekaynkaro.Waxaa sidoo kale markii xuduudii banaanaatay inoo soogalay cadawgeenii bowdka inoogu gabanaa oo helay fursad.

Cadawgeenu waxa uu had iyo jeer isticmaalaa mid aynu nahay isku midab diin af oo dalka u dhashay laakiin ah munaafaq ah daba dhilif had iyo jeer u adeega cadawgeena isagoo ku badalanaya shilimaan. daba dhilifku amaa khaadinka shisheeye waxa uu ka xun yahay cadawga shisheeyaha ah ee aynu leenahay kanaa ka xun.Daba dhilifku waa qof afkana kaaga qoslaya oo wadani isaga kaa dhigaya qalbigana ka jecel in dalka soomaaliya shisheeye qaato oo gumaysto dadkiisa. Daba dhilifku waxa ee jecel yahay had iyo jeer in soomaaliya dhib ku jirto ahaato mid liidata oo aan dawlad ahayn.Hadaba qofka sidan ah waxa uu ka shaqaynayaa in aysan soomaalidu helin midnimo iyo wada jir iyo xornimo buuxda.waxa uu kasheekeeyaa had iyo jeer waxa umadaha dumiya oo u diida inay dawlad xor ah noqdaan oo ah qabiil iyo isku dir joogta ah.

Waxaa daba dhilifka lasiiyaa oo shisheeye siiyaa lacag joogta ah madaama uu shaqo u hayo.Diinta islaamku way sheegtay dadka noocaan ah waxayna ku tilmaantay munaafiqiin.Hadaba ogoow gaalka iyo munaafaqa waxaa cadaabta loo hoosmariyaa oo koow lagaliyaa munaafa oo macnuhu yahay gaalka isagaa ka xun oo ka danbi badan.Ogoow oo u fiirso sifaha daba dhilifka laynagu dhexbeertay ee hortaagan qaranimadeena soomaalinimadeena dawladnimadeena iyo wadajirkeena.Maba doonayaan in aan dawlad ahaano.

Cadawgeena shisheeye iyo daba dhilifku waxay ka faa iidaysteen markii kaalinkoodii ay baneeyeen ciidamadee xooga soomaaliyeed ee ina difaacayay.Iskajir hada cadawgeenu iyo daba dhilifkiisu muda daas dheer iyo hadaba ma ogola in aynu yeelano ciidankii xooga dalka soomaaliyeed.Laakiin inooma diidikaraan hadaan inagu isku tashano oo dhisano.

Maanta waxaa inoo kacay rag halyeeyo ah oo soomaaliyeed oo ah wadaniyiin soomaali dhab ah.waxaa inoo kacay sooma jeestayaal uguntaday sidii ay u soo celin lahaa yeen sharafkii iyo dawladnimadii soomaaliyeed ee cadawga iyo munaafaqu hoga ku riday.FARMAAJO IYO KHAYRE waa raga kasheegan aduunka oo leh durba tilmaamihii raga raga ah lagu yaqiinay iyo hogaamiyayaal keeni kara isbadal dhab ah.waxaan durba dareenay hugunka iyo guuxa iyo bulhaanka kasoo baxaya ciidankii xooga soomaaliyeed ee horseedka u ahaa afrika oo dhan.Libaaxu muduu suuxsanaa haduu soo kacay haduu gudaha ku qaban kagacan bir ah haduu xuduudaha inoo xiri cagtana waa marinayaa dulmiila kasta oo hortaagan dawladnimada umada soomaaliyeed.

FARMAAJO IYO KHAYRE waa u yeereen xoogii iyo ciidankii qaranka soomaaliyeed iyaguna waa soo ajiibeen.cidan la aantii ayaa dalkeena ka dhigtay in shacabku hubkii si khaldan ugalay gacmahooda oo kadibna isku laayeen,hubna waxaa iskale oo kaliya xooga dalka soomaaliyeed maha shacab.hubka waxaa lagu ilaaliya dadka iyo dalka soomaaliyeed. 26 sano ayaa ciidankii xooga qaranka soomaaliyeed ee baalku ka qoyanaa oo ciil la jiifay isagoo arkayay waxa uu samaynayo shisheeyaha iyo daba dhlifkiisu oo dalka soomaaliya lagu samaynayay,ciidanku isagoo ciil qaba gaamuray oo wayn ayuu hada iska jafay boorka waxa uu cagta marin doonaa cidkastoo ku xadgudubtay ciida soomaaliya shisheeye iyo dabadhilfkiisaba.ciidanku waxa uu rabaa hogaamiye wadani ah hasayeeshee maanta waa helay oo FARMAAJO IYO KHAYRE ayaa dalkii u kacay iyagaana hogaaminaya ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.

Gumayste iyo Daba dhilif waa jabeen waana lasoo afjaray. soomaaliyana waxaa soo noqday sharafkeedii dawladnimadeedii.waajib diiniyan ah weeye inaan dalkeena diinteena dadkeena difaacano ilaalino sharafka.waxaan gunaanadaynaa geeridii gumaystaha iyo dabadhilifkiisii.mudo dheer ayaan sugaynay FARMAAJO IYO KHAYRE rabise waa nookeenay. Ileen dal aan lahayn hogaan iyo ciidan dalmaha lamana orankaro.shacabku waa in ay qabsadaan shaqadooda wadaniyadeed oo ah inay soo sheegaan dabadhilifka qabiilka ka sheekaynaya shirinaya oo u soo sheegaan ciidamada amaanka qaranka soomaaliyeed.hotel iyo guri kasta oo koox dad ahi ku shirayso ama la arko iyagoo isla jooga dagdag haloo soo sheego maa daama ay jiraan munaafaq shisheeye lacagsiiyo oo isku dilaya dadkeena soomaaliyeed ee walaalaha ah isku diinta ah isku dadka ah ee aan lakala qaybinkarin. maanta dunidu waa ilbaxday cilmiguna waa faafay okiyaalahaad wax ku duubi kartaa,dharkaad wax ku duubi kartaa,qalinkaad wax ku duubi kartaa,saacadaad wax ku duubi kartaa,kabahaad wax ku duubi kartaa,taleefankaad wax ku duubi kartaa sidaa daraadeed waa in shacabku shaqeeyaa dalka ilaashadaa.wadanigu waa sidaa dalwalba.

W/Q:- Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com