MAQAAL:- Haweenka Soomaaliyeed wax badan ayey dheer yihiin Haweenka Dunida kale.

0

Xaquuqda iyo xurmada dumarkeennu mudanyihiin waxaa caddeyey Rabbigeenna weyn oo waxidka Dumarka Muslimiinta waa kowo karamaysan Eebeheen ayaana karameyey.Quraanka waxaa kamida Suratul Maryam .

Waxaa Adduunka laga xusaya maalinta 8,Maarso, tasoo loo Asteeyey Maalinta Haweenka Adduun weynaha oo Soomaaliyana ku jirto waxaa debbaldeyo lagu dhigaya caalamka. Diiniyan Haweenkeennu waxay mudan yihiin inaan daqiiqad kasta xaqooda gudno. Una samayno wax kasta oo Diinteennu inna farayso.

Waxan qormadan ku qaada dhigi doona arrimo Haweenka Soomaaliyed u gara oo Haweenka dunida kale aysan la wadaagi waana Haybad ay dheeryihiin Dumarka Dunida kale.

Ummaadd kastaa waxay leedahay haldoor laf dhabar u` ah jiritankooda (Annoon)ka hadlayn Ummaddaah kale waxaan raba inaan qormadan ku -eego Haweenka Soomaaliyeed .

Haweenka Soomaaliyeed waa laf dhabarka Ummadda Soomaaliyeed taariikhada Hablaha Soomaaliyeed waa mid qodo dheer waxaan taariikhada ku hayaa xiligii Gobonimmo doonka Haweenka Soomaaliyeed inay ahayeen kuwo kafeejig kana horeeya Ragga ayaga oo ka mid ahaa haldoorkii ku hawlanaa in Ummadda Soomaaliyeed yeelato (Qaran ) madax bannaan.
Xiligii Gumaysiga.

Xiligii Gumaaysiga lala daggaalamayey Haweenkeenna Soomaaliyeed iyaga oo Carruurta Korinaaya iyagoo uur leh iyagoo Dumara ayey hadana waxay ahayeen kuwo Garab tagan Raggooda Soomaliyeed waxaana Qarkood geeriyooden iyagoo ladaggaalamaya cadowgii Ummadda Soomaaliyeed waxaa kale oo jirtay inay xabsiyadii Gumaysiga galen kuna dhinten.

Haweenka Soomaaliyeed wax badan ayey dheer yihiin Haweenka dunida kale.

Qodobka kowaad waa geesinimo buuxda waxay ku kalsoonyihiin naftoota oo ay amiin sanyihiin inay dammanad qaadi karto mas,uuliyadda Ummad dhan waxaana caddeyn u ah markii Dawladdii Soomaaliya Burburat halka kaliya ee loo baxsaday waxay noqotay Haweenka Soomaaliyeed Dal iyo dibad- ba iyaga oo dusha uritay badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed (Rabbi) ayaa wax badbaadiya laakiin waxay quudiyeen caawiyeen malayiin Soomaaliyeed.

Isku xirka bulshada Soomaaliyeed)’

Qodobka labaad ee Dumarkeennu ay dheeriyihiin Haweenka Dunida kale}:

Gabadha Soomaaliyeed waxaay isku xirtaa bulsha ama labo Qoys tasoo ah inuu Guursdo Nin kasoo jeeda qabaa,iil kale kadibna labada qabaa,iil ay dhex marto Xiddidtinimo-Xididdtinimo waa hab xiriir faamil oo dhex mara labo bulsho oo, ay isku xirtay Gabar Soomaaliyeed waana Habka Hablaha Soomaaliyeed ay uga duwan yihiin Haweenka Aduunka kale.

Sidookale Hablaha Soomaaliyeed waxay dib u heshisiin iyo maslaxad dhex dhigan Rag Colaad iyo cadawtinimo dhex martay waxayna u bedelan walaalo faamil wada noqda.
Marti soorka

Gabadha Soomaaliyeed xiliga ay timaado marti ama socoto meel dheer kasoo safartay Gabadha Soomaaliyaad waxay karti buuxda uleedahay inay marti soor usamayso martida ku soo hoyatay Hoygeeda ama Qoyska ay Hooyada u tahay haddii uusan joogin mas,uulka Reerka waxaa mas,uuliyada qatata Hooyada Soomaliyeed iyada oo martida kumaamuusta hannaan marti gelin miyi Magaallaba tasina wa hannaan kale oo ay uga horeeyan Haweenka caalamka kale.
Gebagebadii

Waxaan Ragga Soomaaaliyeed u diraya baaq siiba dhalinyarada inna Raggow waxaa maanta dusha innaga saran dhaliil iyo ceebo aad u badan tasoo ay ugu horayso xil gudasho la’aan dhanka Qoyska dhanka mas’uuliyada Qoysnimo.

Waxaa la innoo ka fadhiya daryeelka dumarkeenna Daryeelka Hooyadeen, Daryeelka Walaasheen iyo xil gudasho Qoysnimo.

Waxaa la-innooka bahanyahay Jacayl jogta raxmad Reer Lagu dhaqo iyo dulqaad aan duugoobin.

W/Q:- Cabdinuur Faarax Maxamuud
Falanqeeye arrimaha bulshada
Emai-abdinuur02@gmail.com