Maraykanka: Waa musiibo weerarkii Mosul

0

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe ayaa ku tilmaamay dadkii lagu laayey magaalada Mosul arin musiibo weyn ah.

Jeneraal Joseph Votel ayaa sheegay in taliska dhexe ee milatariga Mareykanku bilaabay baadhitaan la xidhiidha weeraro cirka ah oo aan kala go’a lahayn oo lala eegtay deegaanka Al-jadiida ee galbeedka Mosul, oo laga sheegay dad badan lagu dilay.

Jeneraalku wuxu intaa ku daray in la qaadayo talabooyin lagu yaraynayo wax uu ugu yeeray dhibta laga hortagi karo ee shacabka soo gaaraysa iyadoo uu sheegay in mitidiinta kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka ay ku dex dhuumanyeen dadka rayidka ah.

Weriye BBC-da ka tirsan oo ku sugan galbeedka magaalada Mosul ayaa sheegaya in aysan jirin caalamado muujinaya in dagaalka u hakad galay iyadoo ciidamada Ciraaqna ay kusii siqayaan magaalada qadiimiga ah.