SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Yeesha Xildhibaanada Soomaalida Ee Dalka Kenya.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa kulan la yeeshay xildhibaanada Kenya ee kasoo jeeda Gobolka Soomaalida Waqooyi Bari iyo gobolladda kale.

Kulan quraac ah ayaa laba dhinac dhex maray, waxayna uga hadleen xiriirka labada dal sida arrimaha ammaanka, Ganacsiga xuduudka iyo arrimaha Qaxootiga.

Madaxda xildhibaanada Waqooyi Bari Adan Barre Ducaale ayaa sheegay in kulanka ay la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya ay bogaadin u jeediyeen ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM si ay Soomaaliya u nabadeeyaan.

Xildhibaanada ayaa sheegay iney taageersan yihiin dowlada Soomaaliya ee cusub, ayna ka shaqeyn doonaan sidii xariirka ay la leedahay Kenya uu unoqon lahaa mid hagaagsan