Somaliland oo bilowday Shidaal baaris

0

Soomaaliland waxaa ay ka bilowden deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobollada Sool iyo Togdheer howlo shidaal baaris ah,sida lugu sheegay war ka soo baxay maamulka.

Madaxweynaha Soomaaliland,Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa booqday qaar ka mid ah deegaannada ay ka socdaan howlaha shidaal baarista ah,wuxuuna tagay dhul howd ah oo makiinado ay ka sameeyeen waddooyin bacaad ah.

Mashruuca ay shidaalka ku baareyso Soomaaliland,waxaa kala shaqeynaya hay’addo shisheeye,waxaana ka mid ah deegaannada xilli horaba sahminta shidaalka laga billaabay degmada Caynaba iyo deegaannada ku xeeran ee ka tirsan gobolka Sool.

Waxaa kalo uu ku fidi doona mashruuca lugu sahminayo shidaalka deegaanno ka tirsan gobollada ay Soomaaliland magacowday ee Daad Madheedh, Maroodi Jeex iyo gobolka Hawd.

Gobolka Sanaag ayaa sidoo kale la gaarsiin doona howlaha saminta shidaalka,waxaana maamulka uu ku sheegay mashruucan inuu ka saacidiyo Soomaaliland inay soo saaran kheyraadka deegaanadooda.

Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya oo horay u sheegtay inan shidaal laga baari karin deegaannada dalka ilaa fasax laga helo,wax war ah kama aysan soo saarin howlgalka ka bilowday gobollada waqooyiga ee shidaalka lugu baarayo.

Soomaaliland oo raadineysa madax-banaani waxaa ay ku soo aadisay howlahan shidaal baarista xilli qaar ka mid ilaha dhaqaalaha ee ugu muhiimsan lugu wareejiyay shirkaddo shisheeye,dekedda weyn ee Berbera waxaa muddo dheer maamulli doona shirkad laga leeyayahay dalka Imaaradka Carabta taaso xilli horaba la waregtay.