Tahriibiyaal laga soo badbaadiyay Badda Mediterranean-ka

0

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Taliyaaniga iyo Maraakiib ay wataan ururo aan dowli ahayn  ayaa sheegay in badwaynta Mediterranean-ka ay ka soo badbaadiyeen 1,200 oo Tahriibiyaal ah Axadii shalay aheyd oo kaliya.

Dadkaan oo ka soo raacay dooman yaryar xeebaha dalka Liibiya ayaa la sheegay in mid kamid ah doomankaas oo alwaax ka sameysnayd ay saarnaayeen 412 ruux.

Mid ka mid ah muhaajiriinta la soo badbaadiyey ayaa u sheegay saraakiisha in ay ahaayeen Labo Doonyood sidoo kalena ilaa iyo hada la la’yahay midi kale ee la socotay, waxaana howlgalkan badbaadinta ah la fuliyay 2 maalin ka hor.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay sare u kacday tirada Muhaajiriinta ka imaanaya waqooyiga Afrika iyadoo haatan baddu ay tahay mid degan.

Dadkan Tahriibayaasha ah ayaa la sheegay in ay ku jiraan dad ka soo jeeda dalalka Itoobiya, Uganda, Soomaaliya, Tanzania, Kenya iyo dalal kale, waxaana la sheegay in ay doonayeen in socdaal sharci daro ah ku galaan dalalka Yurub si ay uhelaan nolol dhaanta mid ay ku heystaan dalalkooda.

Ugu dambeyntii, arintan ayaa waxa ay imaaneysaa xilli tahriibayaal ay ku jiraan soomaaliya oo aanan tiro yareen ay ku dhinteen xeebaha u dhaxeeyo Talyaaniga iyo Liibiya.