Tobannaan kun oo reer Yemen ah oo dalbaday in dagaalka la soo afjaro

0

Tobannaan kun oo ruux ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda dalka Yemen iyaga oo ku baaqaya in la soo afjaro dagaalka dalka ka jira.

Isu soo baxa waxaa soo abaabulay jabhaddaha Xuutitiinta ah kuwaas oo qabsaday magaalada iyo qaybo badan oo ka mid ah waqooyiga dalka Yemen.

Isu soo baxa magaalada Sanca wuxuu ku soo aadayaa sanadguuradii labaad ee faragalinta millatari ee xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo ee ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta.

In kabadan 7,600 oo ruux ayaa lagu dilay tan iyo markii uu dagaalku billawday bishii Maarso ee 2015kii.

Malaayiin muwaadiniin ah ayaa ku barakacay dhibaatadaas, wuxuuna dalku qarka u saaran yahay in ay ka dilaacdo macaluul.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidammo daacad u ah madaxweyne Cabdrabbah Mansuur Haadi iyo kuwa xulafada la ah Xuutiyiinta

 

Xuutiyiintu waxay taageersan yihiin kaligii taliskii hore ee Cali Cabdallaha Saalax oo 2012kii xilka ku wareejiyay Haadi ka dib markii uu 2011kii dhacay kacdoonkii lagaga soo horjeeday.

Saalax oo ay naadir tahay in fagaare lagu arko ayaa isu soo baxa Axaddii ka qaybgalay dadka ayuuna khudbad u jeediyay.