TOP DHAGEYSO:- Digniin culus oo ku socota Xukuumada iyo Xildhibaanada is Khilaafsan

0

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka digay wada shaqeyn la’aan dhexmarta xukuumadda Soomaaliya iyo sido kale xildhibaanada Golaha Shacabka.

Mudane Boqore ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo Cabashada ka imaanaysa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadan Wasiirada cusub.

Xildhibaan Boqore ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu tixgaliyo qeylo dhaanta kasoo yeeraysa Baarlmaanka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso 105 mudane ayaa waxa ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Wasiirada cusub.

HALKAAN KA DHAGEYSO