TOP DHAGEYSO:- Guddi Doorasho oo Cadaado looga dhawaaqay

0

Magaalada Cadaado ee xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa kulan ku yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa intii uu socday kulankooda waxaa la horgeeyay Guddigii Doorashada Madaxweynaha oo horey u dhisnaa, islamarkaana laga bedelay xubnaha qaar.

Guddigan ayaa waxa uu ka kooban yahay 13 xubnood, kaasi oo ay ogolaadeen Baarlamaanka Galmudug, si ay u gutaan waajibaadkooda ku aadan Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay warbaahinta ayaa Guddigan ka dalbaday in ay shaqadooda guda galaan, iyaga oo ka faa’ideysanaya waqtiga gaaban ee u haray.

Sidoo kale Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay muhiim in ay tahay Galmudug in ay hesho Hoggaamiye wanaagsan, maadaama hada Degaanada Galmudug ay ka jiraan xaalado adag.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa lagu go’aamiyay in ay dhacdo 10 April, kadib kulan ay yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana hada socda diyaar garow ku aadan arrintaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO