TOP DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xildhibaano shir Muhiim ah yeeshay

0

Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Xalay Waxaa lagu qabtay Shir loogu hadlaayay sidii gurmad deg deg ah loogu gaarsiin lahaa dadka ku soo barakacay Muqdisho iyo sidii loogu warqabi lahaa dadkaasi.

Shirka ayaa waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Waxaana goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Ku Xigeenada Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale shirka waxaa loogu hadlay sidii Maamulka Gobolka ay mar walbo ugu warqabi lahaayeen dadka maalinba maalinta ka dambeysa ku soo Barakacaya Muqdisho.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa Xildhibaanada Qaranka loogu warbixiyay howlaha gurmadka ee ka socda Muqdisho iyo dadka ku soo barakacaya.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa shirka ka dib Warbaahinta u sheegay in guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu amar ku bixiyay in la dhiso xerooyin waa weyn oo la dajiyo Barakacayaasha Cusub.

Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Hay’addaha gargaarka u sameynaya dadka dhibaateysan in aysan wax u dhimin sharaftooda isla markaana si Daacadnimo ah ay ugu gargaaraan.

Waxa uu sidoo kale Hay’addahaasi ugu baaqay in ay la soo xiriiraan Maamulka Gobolka Banaadir si ay ula shaqeeyaan marka ay howlaha gurmadka bixinayaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO