TOP DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Gobolka banaadir oo sameeyay Talaabo Taariikhi ah

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa galinkii dambe ee khamiistii waxa uu Cisbitaalka Al-biri oo ku yaala Degmada Kaxda ku booqday Mako Xuseen Mukhtaar oo labo ciso ka hor Sedex caruur ah ku dhashay Xero ku taala Degmadaasi,oo ay kujiraan qoysaska kasoo baracakay Deeganada ay abaartu saameesay ee Gobolada Baay,Bakool iyo Sh/hoose.

Labo kamid ah caruurtaasi markii ay dhashay waa ay ka saqiireyn waxaana hadda Mako Xuseen Mukhtaar  iyo mid kamid ah sedexdii caruur ay dhashay lagu baxnaaninayaa Cisbitaalka Al-biri.

Gudoomiye Jimcaale ayaa sido kale waxa uu kormeeray xerayaha ay kujiraan qoysaska mudooyinkii dambe soo gaarayay Degmadaasi, kuwaa oo kasoo cararay abaarta daran ee saameesay noloshada dadka iyo duunyada.

HALKAAN KA DHAGEYSO