TOP DHAGEYSO:- Maamulka Ahlu sunna oo Howlgal aan hore loo arag ka sameeyay Galgaduud

0

Taliye ku xigeenka ciidanka Ahlusunna ee gobolada Dhexe Cabdinuur Maxamed Xuseen ayaa waxaa uu sheegay howlgal ay fuliyeen ciidanka Ahlusunna in ay kusoo furteen hub ay leeyihiin Xarakada Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in hubkaan uu ahaa mid ay duugeen Al-Shabaab , islamarkaana ay doonaayeen in ay ku dhibaateeyaan Bulshada kunool gobolada Dhexe.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in howlgalkaan uu ka dhacay degaan ku dhow degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana degaankaasi lagu magacaabaa Ceelgaras.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa Tilmaamay in ciidanka Ahlusunna ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka sameynayaan gobolada Dhexe.

HALKAAN KA DHAGEYSO